Debbaaldeggii sannadguurada koowaad ee Naadiga Akhriska Stockholm 29/01/2012


Maalintii Axadda oo ku beegnayd 29/01/2012 waxa ka dhacay guriga dadweynaha ee xaafadda Rinkeby, munaasibad weyn oo lagu xusayay sannad-guuradii koowaad ee Naadiga Akhriska Stockholm. Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay dad weyne aad u tiro badan, oo isugu jiray bulshada qaybaheeda kala duwan. Iyadoo ahayd mid ka mid ah munaasibadihii ugu balaadhnaa ee Naadigu qabto. Kulankan oo ahaa mid ka duwan kuwii hore ee uu Naadigu qaban jiray, ayaa doorkan waxa ku lammaanaa barnaamij carruureed aad u weyn oo isugu jiray maaweelo iyo tartan aqooneed. Continue Reading »
January 31, 2012





