Qaybaha Jidhka

book-20@2x

Qaybaha Jidhka

$10.00

Buuggan waxa uu ka hadlayaa ama sharaxayaaqaybaha jidhka iyo shaqooyinkooda, waxaanu ka bilaabmayaa qaybta ugu yar ee ah unugga waxa uu ugu sii gudbayaa nudaha ilaa xubnaha.
Buuggu waxa uu mid mid u dul istaagayaa Habdhisyada jidhka sida, Dheefshiidka, Neefsashada, Kaadi-mareenka, Dhiigga, Dareenwadayaasha iyo Taranka. Buuggu waxa kale oo uu ka hadlayaa abuurka ilmaha iyo marxaladaha uu soo maro ilmuhu.

Buuggan waxa loogu talogalay ardayda dhigata caafimaadka, sayniska, shaqaalaha caafimaadka iyo macalimiinta goobahaas wax ka dhiga iyo qof kasta oo doonaya barashada qaybaha jidhka.

 

Taariikhda Qoraaga

Qoraaga buugga Cabdiraxmaan Xaashi Cabdi waxa uu shahaadada koowaad ( Degree of Bachelor of science in Biomedical Laboratory Science ) Ku qaatay shaybaadhka, shahaadadii labaadna (Master in Medical Science) cilmiga caafimaadka jaamacadaha Umeå iyo Lund ee Dalka Sweden.Cabdiraxmaan laga bilaabo 2001 ilaa 2021 waxa uu ka shaqeeyaa dhakhtarka weyn ee jaamacadda magaalada Uppsala, Sweden.

Qoraagu waxa uu hore u qoray buugga “Naxwaha Iswiidhishka” oo ku qoran af soomaali.

 

SHARE

Buugaagta kale uu qoraagu Qoray

Go to Top